Fathi Abdullahi: Gabadhu inta ninku qabto ayay qaban kartaa

6:36 min

Ilaa yaraanteeydii waxaan ku fekeri jiray inaan ka mid noqdo ciidanka ammaanka ama boliiska loo yaqaanno. Hase yeeshee waa mid u baahan inuu qofku haysto dhalashada dalka, si uu ku barto tacliinta ciidanka ammaanka.

Waxaan sidoo kale ku hamiyi jiray inaan noqdo dareewal wada basaska rakaabka, middaasina oo Sweden ugu suurtagashay muddo shan sannadood dabadeed oo ey ku sugneeyd dalka Sweden Fathia Abdullaahi Diiriye oo 22 jir ah.

Fathia waxay dalka ku timid 17 jir, iyada oo ey wada socdaan hooyadeed iyo walaalaheed, si  ay ula midowdo aabbaheed oo dalka kaga soo horreeyay. Dadaal badan oo ay Fathia u gashay barashada luuqadda iswiidhishka iyo sidii ey ku fahmi lahayd nidaamka dalka, middaasina oo ay u soo martay dadaal badan, sida ay sheegtay.

Inkasta oo Fathi Cabdullaahi ay gaartay goolkeedii hore iyo inay ku howlgasho darewal gaadiidka dad weeynaha, haddana ma aanay ahayn howl ay natiijadeeda sahal ku gaartay, hadday noqon lahayd fikirkii aey middaa ka qabeen dadyoowgii ku hareereeysnaa iyo markii ugu horreeysay oo ay tagtay goobtii ey basaska ka baran lahayd, iyadoona sheegtay in loo qaatay inay ku soo qaldantay goobtaa.