
Kulankii Löfven iyo Kristersson oo aanu wax war ah ka soo bixin
Hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson oo kulan maanta la qaatay hoggaamiyaha xisbiga socialdemokraterna Stefan Löfven si uu ugala xaajoodo habkii dawlad loo soo dhisi lahaa.
Labada hoggaamiye ayaanu midina ka faalloon arrimmihii ey ka wada xaajoodeen, hase yeeshee ey xisbiyada garabka midig ee Alliansen oo dhankooda kulan yeeshey mar kale maanta ey ku adkeeysteen fikirkoodii ahaa iney ku adag yihiin sidii ey ku soo dhisi lahaayeen dawlad garabka midig oo uu hoggaamiyo Ulf Kristersson.
Inkastoo ey labada hoggaamiye ka gaabsadeen inay ka faalloodaan kulankoodii, hase yeeshee waxaa baarlamanka laga dareemeyaa dhaqdhaqaaqyo badan, kadib markii dhowaantan Ulf Kristersson loo xilsaarey inuu soo tijaabiyo dawlad inuu soo dhisi karo.
Kristersson ayaa haysta laba toddobaad, inkastoo uu ka gaabsaday inuu kulankii maanta ka faalloodo, hase yeeshee uu Stefan Löfven ku adag yahay fikirkiisii inuu garabka midig ee Alliansen niyadda ka saaro taageero uu ka helo xisbiga Socialdemokraterna.