Dennis Mukwege iyo Nadia Murad oo si wadajira ugu guuleystey Nobelpris-ka nabadda

2:37 min

Oslo ayaa maanta looga dhawaaqay in abaalmarinta nabadda Nobelpris-ka ay wadaagaan dhaqtarka u dhashay dalka Koongo iyo haweeneyda Nadia Murad oo ka soo jeedda qolada yazid-ka kurdida ah.

Xafladda abaalmarinta ayaa ka dhaceysa Oslo10-ka oktoober. Halka abaalmarinada kale ee Nobelka laga qeybiyo Stockholm.

Mukwege iyo Nadia Murad ayaa abaalmarinta ku muteystay iyagoo siyaabo kala duwan uga shaqeeya halganka ka hortagga xadgudubyada foosha xun.

– Dhaqtarka Denis Mukwege ayaa inta ugu badan noloshiisa qaan-gaarka ku howlanaa caawinta dadka dhibaatadu ka soo gaarto xadgudubka galmada ee dalka Koongo, sidaasna waxa yiri gudoomiyaha gudiga Nobelka Berit Reiss-Andersen.

Cisbitaalka Mukwege, Panzisjukhuset, ayaa jirey mudo 20 sano kaasoo caawiyey dumar kor u dhaafay kumaan kun.

Nadia Murad waxa xiray isla markaana ku heystay addoonsi galmo kooxda Daacish. Kadib markii loo geystay kufsi dhowr jeer islama markaana la ciqaabey waxey ku guuleysatay iney baxsato soona gudbiso dhibaatada loo geystay. Warbixinteeda ayaa ku faaftay dunida oo dhan.

– Nadia Murad ayaa shakhsiyan ah qof dagaalku dhibaato u geystay balse wey diidey iney ogolaato dhaqanka ku qasbaya in dumarku aamusaan isla markaana qariyaan meel ka dhaca loo geystay.

Barafasoor Peter Wallensteen oo ah cilmi-baare ku howlan arimaha nabbada iyo khilaafka isla markaana ka howl-gala jaamacadda Uppsala ayaa sheegay in abaalmarintu tahay muhim iyo inaanu shaki ku jirin in abaalmarintu wax ku soo kordhin doonto arinta ku saabsan xadgudubka la xiriira galmada ee laga geysto goobaha dagaalka.