Wicidda SOS Alarm oo la ogaan doono halka laga soo wacay

3:09 min

Waxaa imminka suuragal ah in la ogaan karo halka laga soo wacay ama laga soo garaacay lambarka qeyla dhaanta ama gargaarka deg deg  ee SOS , waa kolka laga soo waco teleefanada casriga iyada oo taasi suuragal ka dhigeyso habka meeleynta ee GPS-ka.

Farsamadani cusub ayaa u direysa xogta wicitaanka xarunta  laga qabto wicitaanada qeyla dhaanta iyada oo hay’adda SOS ay heleyso ama ay ogaanayso halka aad joogto marka aad soo garaacdo lamabrka 112.

Sugnaanshiyaha in la helo halka wicitaanka uu ka yimid ayaa u dhaxeeya 5 ilaa 15 mitir oo labo jibbaaran. Fariga u dhaxeeya habkii hore iyi kan ayaa ah. Berigii hore, in la ogaado goobta uu ka yimid wicitaanka qeyla dhaanta gargaar, waxuu ahaa mid lagu raadin jiray baalaha ama taawarka  teleefanka, taasi oo micnaheedu yahay dhul dhowr kiilo mitir ah.

Björn Skogland oo farsamo yaqaan abuura misana horumariya adeega wicitaanka deg dega.

– Tusaale haddii uu qof uu ku dhaco xanuunka shalalka ama stroke oo uusan u hadli karin si caadi ah ama carabku culus yahay, waxaa inoo suurtagal ah in aan ku gaarno qofkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan,, ayuu yiri  Björn Skoglund.

Habkani cusub ayaa looga faa’ideysan karaa wakhtiga iyada oo si deg deg ah lagu gaarsiin karo caawinaad qofka soo waca lambarka gargaarka deg dega gaar ahaan kolka qofka uusan ogeyn halka uu joogo sida uu sheegay Björn Skoglund.

– Faa’idada ugu weyn ee nidaamkan ayaa ah kolka aadan joogin cinwaan guri sida tusaale ahaan buuraha, bada ama war biyood ama meel duur ah. Ama kaba soo qaad, waxaad shil ku gashay wado aadan aqoon u lahayn, waxaa si deg deg ah aan ku ogaan karnaa halka aad joogto, ayuu yiri Björn Skoglund.

Farsamadan ayaa la tijaabiyay in muddo ah waana mid shaqeeneysa. Balse habka gargaarka SOS ayaa weydiinaya qofka halka uu jooga haddii ay suuragal tahay in uu sheegi karo.

Si nidaamkan u shaqeeyo, waa in dib u kordhin ama uppdatering lagu sammeeya habka uu hsaqqyo teleefanka gacanta. Habka lagu ogaanayo goobta uu joogo qofka ayaa waxaa keliya adeegsaneysa hay’adda gargaarka deg dega ee SOS Alarm waana keliya marka qofka uu soo waco 112. Xogtaasi ayaysan keydin doonin shirkaddaha teleefanada gacanta, sida uu leeyahay Björn Skoglund.

– Sumcada waxay inoo tahay muhiim haddaba waxaynu leenahay nidaam aan ku xafidno sirta. Ma jiri doonto xog inaga dusta, waa dammaanad aan bixinaayo ayuu yiri Björn Skoglund.