Centerpartiet: Xarummaha xafiiska shaqada waa loo baahan yahay

1:52 min

Xisbiga Centerpartiet ayaa doonaya in uu sii furnaado xafiiska shaqada ee  Arbetsförmedlingen sababtoo ah baahida loo qabo xafiiska ee goobaha ka baxsan magaalooyinka, sida uu sheegay Martin Ådahl, oo ah afhayeenka siyaasadda suuqa shaqada ee xisbiga.

Dowladda iyo xisbiyada ay la wadaaagto wada shaqeynta ee Centerpartiet iyo Liberalerna  ayaa imminka ka xaajoonaya in la joojiyo xiritaanka xafiiska shaqada sidoo kalana dib loo furo xafiisyaddii hore loo xiray, sida uu soo qoray wargeyska Dagens nyheter.

Martin Ådahl ayaa sheegay in hoggaanka xafiiska shaqada ee Arbetsförmedlingen uu waday istaraatijiyad in ay xafiiska laga soo raro goobaha aan magaalooyinka ahayn balse waxuu sheegay in xafiiska uu aad muhiim ugu yahay goobahaasi.

Martin Ådahl oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri.

– Imminka marka aan ka hadleyno qaabka cusub ee xafiiska shaqada waxaa qeyb ka ah in la hubiyo in xafiiska ku nagaado goobaha goobaha ka baxsan magaalooyinka.

Goor dhoweyd ayuu xisbiga Vänsterpartiet ku goodiyay in codka kalsoonida ka keeni doono wasiiradda suuqa shaqada Eva Nordmark (S) balse Martin Ådahl ayaa sheegay in xisbigooda Centerpartiet uu muddo dheer dalbanayay in xafiiska shaqad aan la xirin oo hanjabadaada Vänsterka aysan saameyn ku lahayn go’aanka wada xaajoodka hadda socda.