M oo doonayo in Säpo hesho lacag il gaar ah ugu eegto dadka la tuhmo

3:02 min

Xisbiga Moderat-ka ayaa doonaya in hay’adda sirdoonka Säpo sida ugu dhaqsiyaha badan ku hesho lacag dheeri ah oo ay si gaar ah isha ugu heyso dadka noqon kara argagixisayaal.

Johan Forsell waa afhayeenka siyaasadda sharciga ee xisbiga.

– Waan ka xumahay xagjirnimada Sweden waxay u sii koreysaa siyaabo kala duwan.tasiilaadkan dheeriga, waxaan dooneynaa isbedel xagga miisaaniyadda ah in ay dowlada la timaado si ay ugu suurowdo hay’adda sirdoonka in ilaalo gaar ah ku dabasho dadka halistak u ah dalkeena, ayuu yiri afhayeenka.

Xisbiga ayaa soo jeediyay in Säpo la siiyo 150 milyan oo dheeri ah sannadka soo socda.

Codsi ka yimid Moderat-ka, ayaa maanata waxuu yeelanaya baarlamanka dood gaar ah oo looga hadlayo sida dowladda ay u maareysay lix ruux oo la sheegay in ay yihiin mintidiin Islaami ah kuwaasi oo ay hay’adda sirdoonka ku sheegtay in ay halis ku yihiin aminga balse aan la masaafurinin.

Dowladda waa ay go’aansatay in dalka laga saaro lixdan qof hase yeeshee waxaa jirta khatar ah in lagu jirdilo dalalka ay ka soo jeedaan haddii lagu celiyo sidaasi daraadeed ayaa loo fulin karin masaafuriska iyada oo aakhirkii laga soo daayay jeelasha lagu hayay.

Marka aan la fulin karin go’aan musaafuris, qofka aan masaafurinta lagu fulin karin waxaa waajib ku noqoneysa in si joogta ah isaga xaadiriyo saldhiga booliska. Qofka jebiya sharcigaasina, waxuu mudan karaa ganaax ama ugu badnaan hal sano oo xabsi ah hase yeeshee isbiga Centerpartiet ayaa imminka soo jeedinaya in ciqaabtaasi la adkeeyo.

Johan Hedin waa afhayeenka siyaasadda sharciga ee xsibiga Centerpartiet.

– Waxaan doonayaa in bulshada ay muujiso sida dhabtii uu yahay waajibka is xaadirinta, haddii la galo dambi lagu jebinaayana in lagu galo xabsi haddaba waxaa muhiim ah in la helo sharci cusub oo lagu xirayo dadka jebiya waajibkaasi, ayuu yiri afhayeenka.

Fekerka ayaa ah in qofkii ka soo bixi waaya waajibka is xaadirinta in markiiba la soo qabto lana dhigo gudaha, inta uu ka sugayo xukun xabsi ama fulinta dalka ka saarida. Aragtida ayaa ah in laga hortago in dadkaasi aysan qorsheen sidoo kalana aysan geysan weerar inta ay sugayaan maxkamad sida uu sharxayo Johan Hedin.

– Micnaha waxa uu yahay in aan Sweden ugu difaacno weerar argagixiso si ka duwan sida maanta, ayuu yiri Johan Hedin.

Xisbiga Centerpartiet ayaa doonaya in baaritaanka imminka lagu hayo sharciga gaarka ah ee ajaaniibta in lagu daro wareegto, waxayna rajeynayaan in dowladda aqbasho.

– Waxay ila tahay in uu yahay ra’yi xalin doono dhib la taaban karo ama waaqici ah, ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay Johan Hedin.