Soomaalidu siday u aragtaa alaabooyinka gacanta labaad?

4:51 min

 Dukaamo badan oo kala duwan ayaa dalka ka jira oo looga ganacsado, sida dharka iyo alaabooyinka guryaha la dhigto oo horey loo soo istcmaalay ama huudhayr waxa ay soomaalidu u taqaanno.

Fardowsa Cumar waa howl wadeen  ka howl gasha daarta bulshada ee xaafadda Rinkeby, waxeyna ka mid ahayd abaabuleyaashii xaflad suuq yar oo markii saddexaad lagu qabtay daartaasi oo ciddii dooneysa oo horeyna isaga diiwaan gelisay ay miis ku qabsan kartay warato, alaabooyinka kala duwan ee dharka nooc walba lagu soo bandhigo, isla markaana loogu iibsado qiime ka jaban.

Fardowsa Cumar oo ka warrameeysay taariikhda howshan ayaa sheegtay in xaafadahan aalaaba aaney aqoonin u lahayn ama laga faano dharka gacanta labaad lagu kala iibsado, balse haddii howshan ey dhiiri geliyaan ay dhici karto inuu is bedel ku yimaado fikirkaasi:

Goobta waratada ee daarta ummadda Rinkeby ayaannu sidoo kale kula kullaney wiil 7-ba jir ah oo halkaasi hooyadii ka caawinayay iibinta buugag gacan labaad ah, si dhaqaale loogu ururiyo. Waan kan Jacquub Axmed:

-Buugag ayaan maanta halkan kaga iibineeynaa si lacagta laga helo aannu ugu dirno dadka fakhriga ah, sida uu sheegay Yacquub Axmed.

Yacquub oo sharraxaya fakhri waxa uu yahay ayaa yiri:

Waa marka aadan alaabooyin heeysan, aadan cunno heeysan, aadan dhar haysan. UU qofku waddada seexdo. Waa middaa fakhrigu. Hase yeeshee isagu aannu weli indhaha ka qaadin ilmo fakhri ah, balse uu arkay oo keliya dad waaweyn oo leh astaamahaa fakhrinimo ee uu sheegay.