Taalladii Zlatan Ibrahimovic oo mar kale la wax yeeleeyey

0:53 min

Taalladii ciyaar yahanka Zlatan Ibrahimovic ee ku taalay barxadda garoonka kubbadda cagta Maagaalada Malmö ayaa mar kale la la wax yeeleeyey.

Fiidnimadii isniintii xalay ayaa ranji guduudan la mariyey surwaalka daba gaabka ee uu xirnaa iyadoona goobtii uu ku taagnaa lagu ranjiyeeyey erayga ”Yuhuud”.

Ma ahan markii ugu horreeysay ee taallada la wax yeeleeyo, halka toddobaadkii ina dhaafay kolkii shaaca laga qaaday inuu Ibrahimovic qayb ka noqday mulkiileyaasha naadiga kubbadda cagta Stockholm ee Hammarby la wax yeeleeyey taalladiisii.

Hoggaanka xaafadda ayaa dabadeed u saaray waardiyeyaal ilaaliya taallada. Hase yeeshee kolkii ilaalinta laga qaadey dib loogu wax yeeleeyey fiidnimadii isniintii shalay, sida uu qoray war geeyska Aftonbladet.