Hab dhallaanka looga soo saari karo guryaha lagu hayo

1:30 min

Dhallaanka qaarkood ayaa iyaga oo aan afka iswiidhishka garanayn bilaaba fasalka ka horreeya iskuulka ee lagu magacaabo – förskoleklass, ahna marka ilmuhu lixda sannadood jiraan ee loo diyaarineyo fasalka koowaad.

Waa tallaabo uu maamulka degmada Landskrona si aad ah ugu howlan yahay sidii wax looga bedeli lahaa arrinkaa. Iyadoona la bilaabey in albaabbada lagu garaaco waalidiinta dhallaanka ku haysta guryaha.

Goolka laga leeyahay ayaa ah in dhallaanka ku dhaqan xaafadaha danyarta ee qarka u saaran faqooqa, loogu diyaarin lahaa la qabsiga bulshada.

Hanna Dahl, waa madax waaxeed ka howl gasha degmada.

-Lama hayo wakhti la sugo iyo intey ilmuhu ka gaareyaan da’da iskuulka lagu bilaabo, waa wax la ogsoon yahay. Da’da 17 marka ey gaaraan ayey luuqaddoodu ka liidan doontaa kuwa la faca ah, sida ay hadalka u dhigtay, mar ay warreeysi siisay laanta idaacadda ee P4 Malmöhus.

Dhallaanku iney qeyb ka noqdaan xannaanooyinka ayaa sidoo kale sabab u noqon karta waalidkuna iney guryaha ka soo baxaan oo ey qeyb ka noqdaan waxbarashada iyo suuqa shaqada.

Waxbarashada xanaannada ilmaha ayaan ahayn mid ay khasab ku tahay ilmuhu iney qeyb ka noqdaan.