Ina Rooble: Waa inaan cod u noqdo ilmaha soomaaliyeed

7:00 min

Iney isla socdaan, helaanna suurtagallo isku mid ah oo ey ku barbaaraan jiilalka ilmaha soomaaliyeed kuwa Sweden ku dhashey ama ku barbaareya iyo kuwa Soomaaliya ku dhaqan, waa howl ay u xeeydatay hooyo haysata laba carruur ah oo midka ugu weyni uu yahay toddoba jir.

Fahiima oo ku magac dheer ina Rooble ayaa lahayd fikirkii urur samafal ah ee lagu magacaabo ”shanta Vission” oo la aasaasey bartamihii bishii oktoobar 2019, midkaasina oo loogu talo galey sidii xiriir taageero dhaqaale looga dhex abuuri lahaa soomaalida reer Sweden iyo qooysaska saboolka ah ee Soomaaliya ku dhaqan, sidii ilmaha looga caawin lahaa ugu yaraan waxbarashada oo bishii ey ilmihiiba ku kaceeyso lacag gaarsiisan 100 koron oo iswiidhish ah.

Fahiima oo horraantii lahayd fikirka samafalka wuxuu ka dhigan yahay in intii tabartu ogolaato gacan laga siiyo dhallaanka aan suurtagalka heeysan taageero dhanka waxbarasho iyo dhanka caafimaad, waana mid salka ku haya sida magacaba ka muuqata ”shanta vission” dhammaan shanta gobol ee soomaalidu ku dhaqan tahay ama lagu yaqaanno. Curashada fikirkan ayuu ka dambeeyay markii aan ka fekeray suurtagalka ilmaheeygu ey halka ku heeystaan iyo xaaladda ey ku sugnaayeen carruur soomaaliyeed oo la da’ ah oo aan ka daawaday shaashadaha warbaahinnada, sida ay sheegtay Fahiima.

Geed walba oo baxa miro qura ayuu ka bilowdaa, hase yeeshee fikirkii markii ay Fahiima soo dhex dhigtay bulshada qaar ka mid ah, oo laysla qaadaa dhigay ayaa lagu tallaabsaday sidii lagu fulin lahaa oo halkaa looga sii socodsiin lahaa. Maxaa haddaba u hir galey muddadii yarayd ee uu socday?. Fahiima iyo mar kale.

Ugu dambeeyntii Fahiima ayaa sheegtay iney iskuullada ey la shaqeeyaan ey yihiin oo keliya, iskuullo ay maamulladoodu gacanta ku hayso dawladdu, maadaama aaney dano kale ka dambeeyn waxbarashada iskuullada ee dawladdu maamusho.

Yacquub Axmed oo toddoba jir ah oo garab taagnaa hooyadii ayaa isaguna sheegay inuu gacan ka geeysto sidii uu u taageeri lahaa ilmaha waxbarashada u ooman. Isagoona ku macneeyay, maadaama dhallaankaasi yihiin kuwa fakhri ah, aan heli karin tacliin iyo wax ay qabtaan.