Laba nin oo toogasho lagu diley magaalada Norrköping xalay

1:09 min

Laban in ayaa xalay toogasho lagu diley mar ey ku sugnaayeen dibadda goob caweeys oo ku taala waddada Slottsgatan ee bartamaha magaalada Norrköping.

Ciidanka ammaanka ayaa xirey goob ballaaran oo ah agagaarka dhacdadaasi, si baaris loogu sameeyo.

Abbaaraa koowdii habeennimo ee khamiistu soo galeeysay ayay ciidanka ammaanka soo gaartay qaylo dhaan. Iyadoona ay goobtii ugu yimaadeen labada nin oo dhaawac ah, hase yeeshee aan lagu guuleeysan in naftooda la badbaadiyo. Arrinkaa ayaa qoysaskooda lagu war geliyey.

Nimankan ayey da’doodu u dhaxeeysay 40 illaa iyo 45 jirro, sida uu ciidanka ammaanku ku qoray boggiisa.

Xalay ayaa xarunta ciidanka ammaanka warreeysi loo keeney, hase yeeshee aan illaa hadda cidna loo xirin fal dembiyeedkaa, isagiina oodda laga qaadey.

Cinwaanka dacwadda ayaa loogu magac darey fal dembiyeed laba dil.

Halka uu ciidanka ammaanku ku boorinayo in dhammaan ciddii aragtay ama wax ka maqashay dhacdadan ey la soo xiriirto ciidanka ammaanka ee goobta ku sugan ama ka soo waxaan telefoonka 114 14.