
sawir: ALI LORESTANI/TT
GUDDIGA CORONA
Löfven oo soo bandhigay guddoomiyaha guddiga Corona
Shir jaraa’id oo uu dhowaan qabtay madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven (S) ayuu ku soo ban dhigay qareenka Mats Melin, guddoomiyaha guddiga ka soo baaraan degi doona habkii looga howl galey ka hortagga faafidda fayruska Corona.
-Waa howl muhiim ah midda uu guddigu qaban doono ama looga fadhiyo, ugu yaraan sida uu carrabka ku dhuftay madaxa dawladdu in aannu wax ka baranno, sida uu sheegay Mats Melin.