
Tabbeelaha wakaaladda socdaalka iyo dhisme. Foto: Adam Wrafter/SvD/TT
Socdaalka.
Tirada dadka Sweden iska dhiiba oo hoos u dhacay
Kiisaska magangelyo doonka ah ee ka furan Wakaaladda Socdaalka Sweden ee Migrationsverket, ayaa si wayn u yaraaday intii lagu jirey xasaradda corona ee caalamka kadeeday, waxaana diiwaanka ku jira 11,000 kiis, waana kuwii ugu yaraa muddo 8 sanadood ah.
Hoos u dhacan ayaa waxaa ugu wacan inay dad aad u yari dhiibteen codsiga rukhsadda deganaanshaha ama iqaamadda ee loo yaqaan uppehållstillstånd.