
sawir: Emrah Gurel/AP
XEERKA MAGANGELYADA
Bulshada Sweden badankeed oo doonaysa in qaxootiga la dhimo
Kor ayay u sii kacesaa tirada taabacsan in la dhimo qaxootiga Sweden lagu qaabilo, sida laga ogaaday baaris ay shirkadda Novus u sameeysay laanta wararka ee idaacadda SVT.
Shirkadda Novus ayaa su’aallo ku weydiisay kun qof ku dhowaad. 63% waxey sheegeen iney dooneyaan in Sweden qaabisho qaxooti ka yar intii sannadkii 2019, sannadkaasina oo ey magangelyo dalka ka codsadeen dad gaareya 22 000 oo qof.