
Wadahadalladii siyaasadda socdaalka oo burburey
Wadahadalladii u socday xisbiyada Moderaterna iyo Socialdemokraterna ee ku saabsanaa siyaasadda mustaqbalka ee qaxootiga oo burburay, sida uu xisbiga Moderaterna u sheegay wakaaladda wararka ee TT.
– Wadahadalladii ayaa burburey, kadib markii uu xisbiga Socialdemokraterna go’aansaday inuu dhageeysto maroodiga cagaaran ee qolka ku jiay (oo loola jeeday xisbiga Miljöpartiet), sida ay sheegtay.
War siyaasiyadda laga soo xigtay in iminka loo fadhiyo inuu guddiga socdaalka xogheeyntiisu soo bandhigto qorshe ey xisbiyada guddiga xubnaha ka ihi ka go’aan qaataan inta ka horreeysa 23-ka bisha luulyo.
Madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven ayaa sheegay inuu ka xun yahay iney burbureen wadahadalladii arrimmaha socdaalka ee u socday xisbiya Moderaterna iyo Socialdemokraterna.