BEERTA MADADAALADA

Beeraha madadaalada oo magdhow ka dalbadey dawladda

1:00 min

Ururka shirkadaha ee beeraha madadaalada ayaa dawladda ka codsaday magdhow miisaaniyad gaarsiisan 1,5 bilyan oo koron, maadaama dawladdu ka hor istaagtay howlihii ganacsiga ee goobahaasi corona dartii.

Saraakiil ku hadleeysay magaca shirkadaha goobaha madadaallada ayaa sheegay in xayiraaddaasi uga dhignayd iyada oo laga mamnuucey dhammaan howlihii ey qaban jireen, isla markaana aan wax taageero dhaqaale ah ka helin dawladda.