BAARISTII IVO

IVO: Waxan ogaanney inaan waayeelka looga gurman Covid-19

2:24 min

Waxaa iminka lasoo bandhigay natiijada baaritaan ay sameeyey Hay’adda Kormeerka Daryeelka Caafimaadka (IVO) oo laga fuliyey xarumaha xannaanada dadka waayeelka ah.

- Marka ay timaaddo daryeelka caafimaad ee covid-19 ee xarumaha waayeelka, waxaannu helnay 171 xogood oo halis ah, ayay tiri Agaasimaha Guud ee IVO, Sofia Wallström oo ag taagnayd Lena Hallengren (S) oo ah Wasiirka Arrimaha Bulshada.