SAFARRADA DIBADDA

Gobollada Sweden ee u furan Norway oo la sheegay

1:25 min

Dowladda Norway ayaa maanta xog cusub kasoo saartay xaddidaadaha safarrada dibedda, gaar ahaan kuwa ku jira mandiqadda Schengen Zone ee qaaradda Yurub.

Yeelkeede, dalka Sweden ayaa weli ugu jira liiska cas ee lama galaanka ah marka laga reebo 3 gobol oo kala ah Blekinge, Kronoberg iyo Skåne oo safri kara wixii loo gaaro 15-ka bisha Luulyo, waase inuu qofku halkaa ka diiwaan gashan yahay.