
Kenadid Mohamed/SR
FAQOOQ IYO NACAYB
Kamaal: Soomaalidu faqooqooda uma haystaan cunsuriyad
Laba arrimmood ayaa iigu yaab badnaa afartii sannadood ee aan Sweden ku sugnaa, sida uu sheegay Kamaal Daahir Canshuur mar ay warreeysi la yeelatay laanta afka soomaaliga ee Raadiyaha Sweden.
Kamaal Daahir Canshuur, ayaa ka tirsan guddiga u dooda xuquuqda dadka laga tirada badan yayhay, isagoona sheegay inay jaahilnimo ka tahay soomaalidu cunsuriyadda ey kula kacaan walaalahooda kale ee la midabka ah.