
Mats Persson, waa siyaasiga xisbiga Libaraalka. Sawir: Foto: Emma-Sofia Olsson/SvD/TT
ARRIMAHA CANSHUURTA
Xisbiga L oo doonaya cashuur dhimis 30 bilyan gaarsiisan
Xisbiga Libaraalka (Liberalerna) ayaa raba inuu la yareeyo cashuuraha shaqada iyo shirkadaha, waa 30 bilyan oo karoon oo miisaaniyada deyrta ah. Waxaay tiri af-hayeenka siyaasada dhaqaalaha ee xisbiga Mats Persson.
Canshuur dhimista waa wax lagu soo daray heshiiskii la sameeyay bishii Janaayo - Januariavtalet ee u dhaxeeyay dowladda iyo xisbiyada Libaraalka iyo xisbiga Centerpartiet.