ARRIMAHA DEYNTA

Ajaaniibta oo kaga badan iswiidhishka liiska deeymaha

4:43 min

Waxbarashada hoose, shaqo la'aanta badan iyo dakhliga liita ayaa saldhig u ah gelista liiska madow ee deeymaha. Sidoo kale waa sababta ey dadka asal ahaan dibadda ka soo jeeda ey qeyb weyn uga yihiin liiska Kronofogden.

Davor Vuleta wuxuu cilmi baaris aan horey u dhicin ku sameeyay kala duwanaanta qaamaha amaahda ee u dhaxeysa dadka dibada ku dhashay iyo dadka ku dhashay Sweden.

Davor Vuleta wuxuu cilmi baaris ku sameeyay kala duwanaanta amaahda ee udhaxeysa dadka dibada ku dhashay iyo dadka ku dhashay Sweden. Waligeed horay looma sameeyn cilmi baaris noocan oo kale ah oo lagu tilmaami karo waxa ay ku kala duwan yihiin amaahda lagu yeesho dadka qowmiyadaha kala duwan.

– Fur waraaqaha oo wac cidda lacagta kugu leh, lana sameeyso qorshe intii awooddaada ah ee aad tartiib u celin karto, sida uu hadalka soo gabagabeeyey, sida ay sheegay Davor Vuleta.