XAALADA BEELA RUUSH.

Ann Linde: Svetlana Aleksijevitj welwel wayn ayay qabtay

2:24 min

Diblomaasiyiin matala waddammada Lituweeniya iyo Sweden ayaa ku sugan daarta ey deggen tahay qoraayadda Svetlana Aleksijevitj oo u dhalatay dalka Beelaruush, sida ay laanta wararka Ekot u sheegtay wasiirka arrimmaha dibadda Sweden, Ann Linde (S).

-Goor hore ayaan oggaaney inay aad u welwelsanayd maadaama ay agagaarka gurigeeda ku aragtay niman aan la garaneyn, markaasina oo ay la xiriirtay safaaradda.