CAAWINTA SHIRKADAHA

Shan bilyan oo lagu caawinayo shirkadaha leh hal milkiile

2:17 min

Dowladda iyo xisbiyada ey xulufada yihiin ayaa soo bandhigey taageero dhaqaale oo shan bilyan oo karoon ah looguna tala galay in lagu gacan qabto shirkadaha halka qof uu leeyahay ee uu saameeyay cudurka safmarka ah ee covid-19.

Dhibaatada koroona ayaa xoog u saameysay shirkado badan. Shirkadaha uu hal shakhsi leeyahay ayey dhibaatadu si gooni ah u saameysay, sida ay sheegtay Annie Lööf, hogaamiyaha xisbiga Center-ka.