DHAQAALAHA.

Canshuurta oo laga dhimi doono 7 malyan oo qof

3:46 min

Xisbiyadii wada gaarey heshiiskii jannaayo ayaa go’aan ku heshiiyay canshuur ka dhimis mushaarooyinka hoose iyo kuwa dhexe dhaqaale gaarsiisan 13,5 bilyan oo koron, sida shir jaraa’id ey dhowaan ku soo bandhigeen hoggaamiyeyaasha, Nyamko L Sabuni iyo Annie Lööf C.

Canshuur dhimistan ayaa hir geli doonta horraanta sannadka 2021 oo la dhimi doono 13,5 bilyan, halka canshuur dhimis sii dheer lagu tallaabsan doono illaa 2023.