TIRAKOOBKA DADKA

Xisbiga M ayaa doonaya in la caddeeyo diiwaanka bulshada Sweden

2:58 min

Xisbiga Moderaterna ayaa todobaadkii hore gudi hoosaadka canshuuraha ee baarlamanka u soo bandhigey hindise lagu tirinayo dadka ku nool Sweden.

Xisbiga ayaa doonaya in la tiriyo dhamaan dadka ku nool Iswiidhen sidii looga hortagi lahaa falalka ey ka mid yihiin lacagta sida khiyaanada ah lagu qaato iyo danbiyada la xiriira diiwaan-gelinta dadweynaha.