GO'AAN MAXKAMADEED

Go'aankii degmada Bromölla ee salaadda oo la qaadacay

0:56 min

Maxkamadda maamulka ee magaalada Malmö ayaa ku laaday go’aankii hogganka degmada Bromölla in la manuuco salaad in la tukan karo xilliga shaqada.

Go’aanka maamulka degmada ayaa ka hor imanaya xeerka dastuuriga xoriyadda diinta ee heshiiska caalamiga ee Yurub.

28-kii maajo 2019 ayay ahayd kolkii uu maamulka degmada Bromölla soo saaray go’aan xaddidaya xilliga shaqada iyo diinta.