BOOQASHADA WAAYEELKA

Waayeelka oo dib loo booqan karo horraanta oktoobar

1:20 min

Mamnuuca in la booqdo deegaannada waayeelka lagu daryeelo ee  shaqeynayey laga soo bilaabo 1-da bishii abriil 2020 ayaa ku ekaanaya dhammaadka bishan, waxaa sidaa maanta kulan jaraa’id ay ku sheegtay wasiirka arrimaha bulshada Sweden, Lena Hallengren (S).

Kadib markaan arrintan ka eegney dhinacyo badan waxay noola muuqatay in la ogolaado booqashada in waayeelka la booqan karo.