GANACSIGA

Bangiga Handelsbanken oo xiraya xafiisyo badan

1:28 min

Bangiga Handelsbanken ayaa aad u yareynaya tirada xafiisyadiisa taasoo saameyn doonta shaqaale gaaraya kun shaqaale sannadaha soo socda, sida uu bangigu sheegay.

Waxuu bangiga Handelsbanken dalka ku leeyahay 380 xafiis iyadoona qorshaha bangigu yahay in dhamaadka sannadka 2021 xafiisyada bangiga lagu soo koobo 200 oo xafiis.