FBI oo tijaabineysa farsamo cusub oo iswiidhisha

2:27 min

Cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Uppsala iyo machadka FOI ayaa soo saarey farsamo loo isticmaalayo algoridam taasoo qeyb ka geysanaya sidii lagu heli lahaa argagixisada iyo dadka kalee fuliya falalka xooga la isticmaalo.

Wax badan baa laga ogaan karaa qofka bani’aadanka marka la eego waxa uu cuno iyo waxa uu sameeyo maalin kasta, ayuu yiri Nazar Akrami, oo ah cilmi-baare ka mida aqoon yahanada ka danbeeya farsamadan.