DAWIT ISAAK

Maktabad loogu magac daray Dawit Isaak oo la furay

1:01 min

Maktabadda loogu magac daray Dawit Isaak ayaa maanta albaabada loo furayaa, taasoo noqoneysa maktabaddii ugu horeysay ee xoriyadda hadalka ee laga hirgeliyo arkiifiyada magaalada Malmö.

Maktabadda ayaa loogu tala galay in lagu soo bandhigo qoraalada ay qoreen dadka shaqadooda kala kulmay faaf-reeb, cadaadis ama lagu qasbay iney dalkooda ka qaxaan.