HESHIISKII DUBLIN

Wax ka bedelka heshiiska Dublin ee toddobaadka dambe

3:36 min

Go’aan shalay uu ku dhawaaqay hoggaanka sare ee ururka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in meesha laga saari doono heshiiskii Dublin, kolka dib u habeeyn lagu sameeyo siyaasadda qaxootiga ee ururka Miodwga Yurub.

Waxaana iminka indhaha lagu hayaa qorshaha ay toddobaadka foodda innagu soo haya soo bandhigi doonto Ylva Johansson, hoggaamiyaha kommishanka arrimmaha gudaha iyo ammaanka ee EU.