SHARCIGA

Xisbiga Moderaterna oo doonaya in la tarxiilo gaangiska

1:29 min

Xisbiga Moderaterna ayaa maanta galinkii hore soo bandhigay toban hindise oo looga hortagayo danbiyada ay falaan kooxaha gaangiska ah.

Wuxuu xisbiga Moderaterna tusaale ahaan doonayaa in xubnaha ka tirsan gaangiska ee heysta dhalashada wadamada kale laga musaafuriyo dalka, xataa haddii aannu ku dhicin xukun.