GUNNADA HOWLGABKA.

Dhaqaale lagu kordhin doono gunnada howlgabka

2:09 min

Laga bilaabo 1-da septeember 2021 waxaa 600 oo koron bishii lagu kordhin doonaa dakhliga gunnada howlgabka, sida ay maanta shir jaraa’id ku soo bandhigeen wasiirka dhaqaalaha Magdalena Andersson (S) iyo wasiirka ceeymiska qaran, Ardalan Shekarabi (S).

– Goolka laga leeyahey ayaa ah in kor loo qaado gunnada howlgabka hooseeysa ee dadka muddada badan shaqayn jirey iyo cid aan horey u soo shaqeeyn ama wax yar soo shaqeeysay.