Fannaanad aad loo jeclaa oo geeritootay

0:57 min

Fanaannaddii Anita Lindblom, oo sida wayn ugu soo shaac baxday sannadihii lixdameeyadii heesteedii: "Sånt är livet", ayaa ku geeriyootay da’da 82 jir  kadib muddo gaaban o ey xanuunsanayd.

Lindblom, oo ku dhaqnayd dalka Faransiiska laga soo bilaabo sannadkii 1969, ayaa geeriyootay 6 sebteembar, sida uu wakaaladda wararka ee magaceeda loo soo gaabiyo TT u xaqiijiyay wiilka ay dhashay ee Jörgen Lindblom Andersén.