SOO GALOOTIGA

Tomas Tobé oo doonaya iney Yurub xadeyso tirada qaxootiga

2:26 min

Arbacada ayey Ylva Johansson oo Iswiidhen u fadhida komishanka EU-da soo bandhigeysaa hindiseyaal la xiriira siyaasadda soo galootiga taasoo ka dhaxeyn doonta dhamaan wadamada EU-da.

Tomas Tobé, oo ah siyaasi xisbiga Moderaterna u fadhiya baarlamanka Yurub ayaa doonaya iney Yurub go’aan ka gaarto tirada guud ee qaxootiga Yurub ay qaadan karto.