CORONA IYO STOCKHOLM

Stockholm oo lagu wado in xayiraado lagu soo rogo

2:05 min

Magaalada Stockholm ayay ka muuqataa saansaanta welwel laga qabo kor u kaca faafidda fayruska corona, middaasina oo horseedi karta in xayiraaddo lagu soo rogo, sida uu sheegay dhakhtarka qaran ee ka hortagga cudurrada faafa Anders Tegnell.

Xayiraadaha laga doodeyo in lagu soo rogi kari doono qaybo ka mid ah magaalada Stockholm ayay ka mid tahay in qofka la deggen qof fayruska qaba uu guriga isku karantiino, sida uu sheegay hoggaanka gobolka Stockholm.