Deymaha gaara hay'adda Kronofogden oo sii kordhaya

2:29 min

Saddexdii sano ee ugu dambeyey waxaa gaaray hay’adda Kronofogden dalabaadyo sii kordhaya oo la xiriira deymaha la bixin waayey.

Lixdii bilood ee ugu horreeyay sannadkan hay’adda soo celinta deymaha ayaa waxaa soo gaarey dalabyo gaaraya 644 000 oo ah deymo aan la bixin. Tani ayaa ah sare u kac 11,5 boqolkiiba kolka lala barardhigo sannadkii hore.