Siyaasadda.

LÖFVEN: ''Kaddib guusha Norway Scandinavia waxaa xukuma Xisbiyada S''

1:59 min

Dalka Norway, waxaa taladii la wareegey hoggaanka Xisbiga Shaqaalaha ee Jonas Gahr Støre.

Waxaa hambalyo dirtay RW hore, Erna Solberg oo guuldarrada ku qiratay khudbad ay u jeedisey xisbigeeda muxaafidka ah ee Høyre oo helay 20.4%, halka uu ka guulaystey ee Arbeiderpartiet uu urursaday 26,1%.

RW Sweden, Stefan Löfven ayaa u hambalyeeyey RW cusub ee Norway ee Jonas Gahr Støre oo uu saaxiibkii ku tilmaamay, isagoo sheegay in haatan ay Skandinavia ka taliyaan Xisbiyada S.