Carl Bild oo boggiisi internet-ka la weeraray

Bogga internet-ka ee loo yaqaano blog-ga uu adeegsado wasiirka arrimaha dibada Sweden Carl Bild ayaa muddooyinkan dambe waxaa faro kulul ku hayey burcadda internet-ka ee hakaradda loo lugu la yaqaano. Qoraalo iidheh ah oo boggaasi ay hakaraddu weerareen ayaa  lugu qoray in wasiirku yahay "xirriiriyaha haweenka quruxsan ee Ruush-ka" Halka uu la taliye yaal u yahay raasumaaleyaal u dhashay wadanka Denmark. Wasiirka oo la hadlayey wakaaladda wararka faafisa ee TT, ayaan tafaasiil dheer ka bixin, balse waxa uu sheegay iney hakaradu weerareen. Bishan aynu ku jirno ee dicember ayey ugu yaraan saddex jeer burcadaasi internet-ka weeraro u geysteen bogga blog-gaha ah ee wasiirka.