Barafka oo weli dhibaayin ku haya gaadiidka safaradda

Toddobaadkii hore dabayaaqadiisi iyadoo ay jireen dabaaldagggi iciddihii masiiga ee dalkan, ayaa hadana waxaa bar bar socday dhibaatooyin la xirriira gaadiidka safaradda kala duwan oo baraf xoogan oo da’ay  aawgeed hakad ku keeneen isku socodka gadiidka kala duwan ee la adeegsado. Shirkadaha u qaabilsan gaadiidka safarada taneerada iyo kuwa dhulka ee Sj iyo trafikverket ayaa sheegaya iney weli jiraan daahitaano ka jira weli gaadiidka lugu safro.

Gobolada koonfureed ee Skåne iyo Småland ayaa waxaa ka da’aya baraf kuwaasoo dhibaatooyin xoogan u geystay gaadiidka. Waxaana jira cabashooyin ka imanaya dadka gaadiidka tareenada ku safra kuwaasoo shirkadaha gaadiidka ka dalbaday madhow iyo damaanad la xirriirta safarkooda. Idaacadda wararka ee ekot ayaa maanta warkan sii deysay.