Wasiirka difaaca ee dalka Iswiidhen Mikael Odenberg oo soo bandhigey qorshe cusub

CODKA Arbaco 2007-01-24

Barnaamijka maanta waxaad ku maqli doontaan.

  • Wasiirka difaaca oo soo bandhigey qorshe ey dowladdiisu ku dooneyso in lagu dhageysto isgaarsiinta ka baxda ama soo gasha dalka.
  • Ban Ki-Muun oo ka qeyb qaadan doona kulan deeq loogu ururineyo sidii dib loogu dhisi lahaa dalka Lubnaan iyo madaxda ururka midowga Afrika kaga xaajeysaneyaan carriga Darfur iyo Soomaaliya.
  • Maxaa sababey in la mamnuuco ku hadalka luuqadda hooyo ee iskuul ka mid ah iskuulaadka dalkan?.
  • Af-hayeenka dawladda federaalka ku meelgaarka oo qirey in ey jiraan soomaali heysata dhalasho iswiidhen ee lagu diley, qaarkoodna gacanta lagu hayo dagaaladdii u dhaxeeyey maxaabiista iyo dawladda federaalka ku meelgaarka oo kaashaneysa ciidamada qalabka sida ee Itoobiya.
  • Boliiska oo bilaabi doona howlgallo cusub.

Waxaa ey dawladdu maanta u gudbisey guddiga sare ee shuruucda, sidii ey uga baaraan degi lahaayeen, fikirkoodii la xiriirey in heyadda siinleyda ee ciidammada difaaca awood loo siiyo iney baaritaan ku sammeyn karaan kolka ey doonaan dhammaan wixii telefoon ama meil leysku diro ee ka baxaya ama soo geleya dalkan Iswiidhen.

Middaasina oo looga gol leeyahey sidii ka hortagga cabsi ka timaada argagixisada.

Wasiirka difaaca ee dalkan Iswiidhen Mikael Odenberg oo qorshahaa soo bandhigayey ayaa carrabka ku adkeeyey in dhammaan ey ka siman yihiin xubnaha dawladdu, oo ey ku bahoobeen afarta xisbi ee loogu yeero isutagga Iswiidhen, Alians för Sverige.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista