Kadra oo ah gabar u dhalatey asal ahaan soomaali, heysata dhalasho Noorwiijiyaan oo cilmi baaris arrinka gudniinka ka sameysey., som gjort ett undersökande reportage om kvinnlig omskärelse.

CODKA Arbaco 2007-01-31

Barnaamijka maanta waxaad ku maqli doontaan

  • Wasiirka arrimaha dibadda oo la sheegey inuu jebiyey rikoor ee aaney dhiggiisu horey u falin
  • Xaaladda ammaanka ee warshadaha quwadda korontada Atoomikada oo la dhaleeceeyey.
  • Shirkii madaxda waddammada ee ururka AU oo la soo gaba-gabeeyey..
  • Roolka haweenka ee bulshada
  • Maalinta caalamiga ee gudniinka, iyo dood arrinkaa la xiriirta

Kulammaddii caalamiga ahaa ee ka dhacey magaalooyinka Qaahira iyo Pekin ee sannadihii 1994 iyo 1995, loogana wada xaajoonayey caafimaadka dhallaanka iyo haweenka ayaa lagu soo qaadey arrimmaha gudniinka, markii ugu horreysey.Halkaasina oo lagu garwaaqsadey in dawlad waliba uu masuul ka saaran yahey dhibaatooyinka gudniinka sidii wax looga qaban lahaa, iyo in arrinkaa loo eego iyada oo la ilaalineyo dhanka xuquuqda bani’aadamka. Sannadkii 1997-dii ayey heyadda qaramada midoobey soo saartey qoraal ey ku sheegeyso ka hortagga gudniinka fircooniga, lana dhimo wax badan, islamarkaana dhammaantii la masaxo ugu dambeyn sannadka 2007-da. Sannadkii 2003-dii ayaa wufuud ka socota 30 dal oo afrikaan ahi kulan ey yeesheen magaalada Maputo kagana xaajoonayeen sidii leysaga kaashan lahaa ka hortagga gudniinka fircooniga iyo ciribtirkiisa lagu go’aansadey in 6-da bisha Feebaraayo loo aqoonsado maalinta caalamiga ah ee ka hortagga gudniinka.

Dhibaatooyinka heyadaha Iswiidhishka ey ka tirsanayaan hablo soomaaliyeed ee u xeytey sidey ula dagaalami lahaayeen gudniinka fircooniga ee gabdhaha ayaan isagana waxaan idinku maqashiin doonnaa toddobaadka foodda innagu soo haya.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".