CODKA Arbaco 2007-02-14

Barnaamijka maanta waxaad ku maqli doontaan waxyaabo ey ka mid yihiin.

  • Dhabadda siyaasadda arrimmaha dibadda ee dawladda uu madaxda ka yahey Fredrik Reinfieldt oo maanta la soo bandhigey.
  • Shaqa la’aanta dhallaanka oo sii kordheysa iyo suuqa shaqada oo shaqadu ku sii badaneyso.
  • Boostaalow maxaa kadeed ah oo ku heysta.
  • Barnaamijyada cusub ee suuqa shaqada ee dawladda cusub.
  • Iyo Soomaali fikirkeeda ka dhiibatey barnaamij ka baxey idaacadda leyska daawado barnaamijkeeda ”Agenda”

Sida la ogsoon yahey wuxuu dalkan Iswiidhen ka mid ah yahey dalalka xiiseeya, gacanna ka geysta sidii soomaaliya uga bixi laheyd dhibaatada dawlad la’aanta iyo dagaalka sokeeye ee harreeyey 16-kii sannadood ee ugu dambeeyey. Sidoo kale wuxuu dalkani ka mid yahey waddamada xubnaha ka ah waxa lagu magacaabo dawladdo loo magacaabey iney gacansaar ka yeeshaan sidii ey gacan uga geysan lahaayeen in nabad lagu soo dabaalo.

4-tii bishan Feebaraayo, ayaa barnaamij ka baxey idaacadda leyska daawado ee Telefishanka waxaa ka mid ahaa waxyaabihii lagu soo qaatey xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Xaamud Maxamed Ducaale, wuxuu ka mid ahaa dadyoowgii daawadey barnaamijkaa.

Wareysigii oo dhan halka ka dhageyso

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista