CODKA ARBACO 2007-02-21

Barnaamijka maanta waxaad ku maqli doontaan:

  • Dhallinyaro soomaaliyeed ee sheegey iney dhibaatooyin ku heysato magaalada Istockholm.
  • Maxaa kala heysta soomaalida, iswiidhen iyo iswiidhishka, ama iswiidhishka, iswiidhen iyo soomaalida?.
  • 21-ka bisha Fenraayo oo ah maalinta caalamiga ah ee luuqadda hooyo.

Xaaladda soomaalida ee ku sugan dalka Iswiidhe. Dhibaatooyin maxaa kala soo gudboonaada, maxaase laga galabsadey. 

Heeyadda UNESCO ee Qaramada Midoowdey ayaa maalinta bisha 21-ka Bisha Feebaraayo soo jeedisey in loo aqonsado maalinta caalamiga ah e luuqadda hooyo, middaasina oo hirgashey laga bilaabo sanndkii 2000.

Caalamkan eynu ku waxaa lagaga hadlaa luuqado gaaraya 6 500, kuwaasina 50% looga cabsi qabo ney adduunwenaha ka suulaan.

Saddexdii boqol ee sannadood ee ugu dambeeyey waxaa si kala go laaan ah maalin wala maalinta ka dambeysa u baaba’aya luuqado hor leh.

Iyadoona luuqaddaha tiraddaasi le’eg ey toban ka mid ah oo keliya ku hadlaan, ama ey u yihiin luuqaddooda hooyo dad ey tiradoodu kor u dhaafeyso 100 malyuun oo ruux, nta soo hadheyna ey ku hadlaan dad tiradoodu ka yar yihiin.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista