CODKA Arbaco 2007-02-28

Barnaamijka maantana waxaad ku maqli doontaan:

  • Maanta oo ku beegan 21-tan guuradii kolkii la diley ra’iisel wasaarihii hore ee dalkan Olof Palme.
  • Ajnabiga oo ku yaraadey xubnaha baarlamanka isla markaana ku batey xubnaha siyaasiyiinta ee gobollada iyo degmooyinka ee doorashadii ugu dambeeysey 2006-da.
  • Guddi qarameed soo jeediyey howshii loo xilsaarey kadib muddo afar sannadood ah.
  • Kulan ka dhacey magaalada Istockholm.
  • Dood ku saabsan dhallinyaradii dhibaatooyinku kala soo gudboonaadeen goob ey ku dhaqnaayeen, iyo maxey qabatey ama u qaban kartey bahweynta soomaaliyeed ee dalkan ku dhaqan.

Dood ey ka qeyb qaateen: 

Ida Gure, oo ah afhayeenka dhanka saxaafadda ee ururka isbaheysiga daladda ururrada soomaaliyeed.

Maxamed Yuusuf oo ah xubin firfircoon ee ka tirsan ururka daladda dhalinyaradda SSUF ,

Cabdi Xakiim oo ah inan dhallinyaronimo dalkan ku soo gale, islamarkaana matelaya dhallaanka dalkan ku nool.

Ciise Cabdul Cumar, sarkaal ku howlan arrimmaha dhanka bulshada ee degmada Istockholm, iyo

Ceydaruus Aadan oo isaguna ah sarkaal ka howl gala heyadda canshuuraha, islamarkaana aad uga qeyb qaata howlaha ururrada.

Halkan ka dhageyso.

 

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista