1 av 2
barlin Nur madaxa ururka dhallinyarada muslimiinta.
2 av 2
Masjid

ARBACO 2007-04-11

Barnaamijka maanta waxaad ku maqli doontaan.

  • Guddiga baarista qaranka oo iimo kulul soo bandhigey, iyagoona taageero middaa kaga dhiganaya 16 warbixin ee arrimmahaa laga soo saarey.
  • Dhallinyaro tiradoodu kor u dhaafeyso 800 oo muxaadarro afar maalmood socotey ugu dhammaatey isniintii magaalada Istockholm.
  • God man muxuu yahey. Waxey ka mid aheyd eedeymaha ey soo bandhigey guddiga baarista qaranka, iyadoona uu dhaliillo badan loo soo jeediyey heyad goboleedka Länstyrelse ee leh masuuliyadda arrimmahaa, iyo weliba warar kale oo goo goos ah.

Week-end-igii la soo dhaafey ayey dhallaan muslimiin ah ee tiradoodu kor u dhaafeyso 800, kana kala yimid qaar ka mid ah dalalka ku yaala Scandanavian-ku ku yesheen muxaadaro afar maalmood socotey, lana soo gabagabeeyey Isniintii, bishuna aheyd 9, xaafad ka mid ah xaafadaha ku yaala magaalada Istockholm.

Cabdullaahi Axmed, wuxuu ku nool yahey magaalada Borlänge, wuxuu ka mid ahaa dhallinyaro laheyd fikir lagu furey xafiis lagu taageero dadyoowga aan luuqadda iswiidhishka sida wanaagsan u garaneyn.

Waxa loo yaqaan god man, waxey macnaheedu tahey shakhsi la aaminey, ee shuruucda dalka u degsan sida ey qaarkood qabaan la qabto kolka ey baahiyi timaado.

Sida ku cad sharciga waalidka ”föräldrarbalkan”, ruuxaasi waa mid sharciyeysan, una taagan booskii waalidka

Dhacdooyinkaasi oo ey ugu wacan yihiin arrimmo dhowr ah:

dhallaanka oo aan qaangaarin, cudur aawadii ee waalidkii howshaa fulin lahaa, geeri ku timidey ama sabab kaleba.

Sidoo kale waxaa la qabtaa waxa loo yaqaan Godman kolka uu shakhsigu caafimaad darro maskixiyan ah u baahdo ruux danihiisa ilaaliya.

Masuuliyaddan ayaa hoos timaadda degmo walba cidda qaabilsan, middaasina oo ey tahey iney dusha ka socoto heyad goboleedka Länsstyrelsen.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".