ARBACO 2007-04-18

Barnaamijka maanta waxaad ku maqli doontaan.

  • Wasiirka wasaaradda kaalmada amaba deeqda aan iraahdee ee waddammada adduunka saddexaad oo toddobaadkii hore safar ku soo sameysey dalka Suudaan iyo carriga Darfuur.
  • Sidey tahey xaaladda deeqda ee dalkani kolka laga hadleyo waddammada dhaca Afrika.
  • Miisaaniyaddii dawladda oo maalintii Isniinta aheyd la hor keeney baarlamanka.
  • Ra’iisel wasaarihii dawladda Carta Cali Khaliif Galeyr oo ey wareysi la yeelatey weriyahayaga Amuun Cabdullahi la xiriira sida uu u arko xaaladda Soomaaliya iminka ku sugan tahey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista