Wiil dhallinyaro ah

Degmooyin diidey qaabilaadda qaxootiga

Qaar ka tirsan 290-ka degmo ee dalkani ka kooban yahey ayaa siiyey ballanqaad heyadda socdaalka iney gacan ka geysan doonaan qaabilaadda iyo meeleynta, dhallaanka soo galootiga ee kelinimada ku yimaada, iygoo aan walidiintii dhashey la soconin.

Amuurtaa ayaa suurtagelineysa in baahidii 1 200 dhallaan, wiilal iyo gabdhaba leh ee soo galootiya  baahidii hooy iyo degaan ee sannadkan la dabooley, sida uu qorey wargeyska maalinlaha ee Dagens Nyheter.

Dhinaca kaleeto waxaa albaabada ka ootey dhallaankaa degmooyin tira gaareya 100, kana bixiyey jawaab maya ah codsigii uga yimid heyadda socdaalka.

Sargaal u hadley heyadda socdaalka ayaa sheegey in aaney ku tala jirin isku day sidey mar kaleeto ugu qancin lahaayeen degmooyinkaa codsigoodii, hase yeeshee ey bogga internetka ee Migrationsverket-ka ku soo daabici doonaan degmooyinka dhagaha ka fureeystey iney qaabilaan dhallaanka qaxootiga ee kelinimada dalkan ku yimaada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".