2007 Bok & Biblitek salen

CODKA Arbaca 2007-10-03

Barnaamijka maanta waxaad ku maqli doontaan.

dhaleeceyn ballaaran ee heyadda Riksrevissionen, u soo jeedisey heyadda kaalmada ee SIDA, kadib baaritaan ey ku sameeysey 15 hoowlood ee heyaddaasi ku maalgeliso howlo ey hayaan heyado ey dhaqaaleyso ee ka socda waddammo ku yaala qaaradda Afrika.

Laga soo bilaabo wixii ka dambeeyey sannadkii ina dhaafey, oo ey hoos u dhacdey 11 740,  tiradii goobaha waxbarashada dadka waaweyn afkanna lagu yiraahdo Komvux.

Maamulka degmada Istockholm oo ey hogaanka u hayaan xisbiyada afarta ee haya talada maamulka dalka ayaa Isniintii go’aamiyey tallaabooyin lagu adkeyneyo siyasadda ku dhisan hoowsha iyo sidii shakhsigu isugu fillan lahaa, iyadoona loo mareyo dhabbo lagu ciriirineyo ama hoos loogu dhimeyo dhaqaalaha kaalmada ee degmadu  ku taageerto dadyowga la siiyo dhaqaalaha ceydha ee loo yaqaan Socialbidrag.

Sannadkii 1985, ayaa markii ugu horreysey waxaa magaalada Göteborg ka dhacey carwadii buugagga ee lagu magacaabo Göteborgs bok och bibliteks mässa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".