CODKA Arbaco 2007-10-24

Barnaamijka maanta waxaad ku maqli doontaan.

Ururka midowga Yurub EU-da oo go’aansadey in shaqaale heer jaamicadeed leh laga keensado waddammada ka baxsan qaaradda Yurub.

Bilad sannadeedkii isdhexgalka dhanka shaqada oo maalintii Isniinta la gudoonsiiyey saddex heyadood.

Heyad goboleedka caafimaadka gobolka Istockholm oo bilaabi doonta horaanta sannadka foodda innagu soo haya baaritaan caafimaad ee la xiriira cudurka Kaankarada ee gala mindhicirrada, qaasatan waayeelka da’doodu u dhaxeeyso 60 illaa iyo 69-an.

Dalka Iswiidhen oo cilmi baaris laga sammeeyey waddammada dhaca Yurub kaalinta koowaad ka galey, halka ey Letland ka gashey kaalinta ugu hooseeysa. Aqoonyahanno iswiidhish ah ayaa middaa ku tilmaamey iney yihiin howlo isku dhafan ee aan la kala saarin. Muxuu middaa ka yiri Cabdi Xaliim, kana mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Iswiidhen.